Neymar oo ku biiray kooxda Barca

Xidigga kooxda Santos ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Barcelona, ciyaar yahan Neymar ayaa qalinka ku duugay Isniintii shaley heshiis shan sanno ah oo la joogay kooxda Spain.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa waxaa aad u doonayay labada koox ee uu xifaaltanka ka dhexeeyo Barcelona iyo Real Madrid, laakin aaqirkii waxaa ku guuleestay kooxda ku guuleesatay horiyaalka xilli ciyaareedkan.

21-sano jirkan ayaa ka mid noqday xidiggaha sida wayn suuqa u qabtay xaggaagan, si kastabaNeymar wuxuu sii joogi doonaa ilaa sannadka 2014–ka dalka Brazil, waayo wuxuu ka qaybgali doonaa tartanka koobka adduunka oo dalkaas lagu qabanaayo.

Neymar ayaa dhaliyay 1o7- gool 176 kulan oo uu saftay kooxdiisa Santos, wuxuu ku soo biirayaa xidiggan dhowr ciyaaryahan oo u dhashay dalka Brazil kuwaasoo ku sugan dalka Spain, waxaana ka mid ah Dani Alves iyo Adriano kuwaasoo uu ka garab ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda garoonka caanka ah ee Camp Nou.

Kooxda heesata horiyaalka La Liga ayaa xilli ciyaareedkan waxa ay ka horeeysaa 13-dhibic, waana Real Madrid, macalinka kooxda Barca Tito Vilanova ayaa soo dhaweeyay imaashiyaha Neymar, wuxuuna sheegay in xidiggan uu ka garab ciyaari doono Lionel Messi oo dhaawacyo ay qabsadeen xilli ciyaareedka 2012/13.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here