Newcastle United oo qarka u saaran inay la soo wareegto laacibka kooxda Freiburg ee Papiss Cisse

Kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska ee Newcastle United ayaa la sheegay in ay qarka u saaran tahay in ay la soo wareegto Papiss Cisse iyadoo u soo bandhigtey lacag dhan €12 (£10) million.

Madaxa kooxda Magpies Alan Pardew ayaa waxa uu u muuqdaa in uu kaga guuleystey kooxda Sunderland la soo wareegida laacibka weerarka ka ciyaara ee ka soo jeeda dalka Senegal.

Goal.com ayaa qoray in Cisse uu yimid garoonka tababarka kooxda Newcastle maanta isagoo doonaya in la soo afjaro u soo wareegida kooxda New Castle.

Cisse ayaa lala xiriirinayay kooxo ka dhisan Yurub iyadoo ay ka mid yihiin kooxda Arsenal, Cisee ayaa u dhaliyey kooxda Freiburg 37gool 65 kulan oo uu u saftay.

Kooxda Newcastle ayaa waxaa ka tagaya weeraryahankooda Demba Ba isagoo ka qeygalaya tartanka qaramada Afrika.

Cisse, ayaa laftiisa waxa uu kamid yahay laacibiinta xulka Senegal waxana uu sheegay in marka uu koox weyn uu ciyaaro uu wacdaro dhigi karo isla markaana uu rumeysan yahay in haddii uu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska inay tahay guul u soo hoyatay.

“Waxaan doonayaa inaan isku tijaabiyo koox weyn waxana aan rumeysnahay inaan guul ka keeni karo Engkand,”ayuu Cisse u sheegay Goal.com.

“Waxaan daawadaa Premier League waana ku faraxsanahay in dadku ay hadalkeyga hayaan sida ay u hadal hayaan kooxaha waaweyn oo kale”.ayuu ku sii  daray Cisse