Newcastle oo sheegtay in Demba Ba’ uu joogayo kooxda

Maamulaha kooxda Newcastle United Alan Pardew ayaa xaqiijiyay in uu heshiis uu dhexmaray iyaga iyo cayaaryahanka Demba Ba, si loo soo afjaro warar maalmahan suuqa ku jiray oo ah in uu ka tagayo garoonka St James’ Park.

Wararka ayaa sheegaya in cayaaryahanka uu la sameeyay kooxda heshiis cusub, kaasoo ku kacayay illaa £7m , si u sii joogo uun.

Waxa la sheegay cayaaryahanka in uu ka tago kooxda bisha January ee 2013-ka.

Si kastaba, Pardew ayaa sheegay in la isku fahmay heshiiska labada dhinac dhexmaray ciyaaryahankana uu meelna uga socon kooxda.

“Waxa aan ku guuleesanay in hubaal ka dhignay Demba in uu joogo xilli ciyaareedkan kooxda Newcastle United,” ayuu yiri maamulaha kooxda.

Waxa uu dhaliyay kooxda illaa 270gool 53-kulan oo ka ciyaaray horiyaalka Ingiriiska ee Premier League tan iyo markii ugu soo biiray Newcastle seddax sano ka hor, markaas oo uu ka soo tagay kooxda West Ham United bishii June 2011.

Kooxaha Queens Park Rangers iyo Arsenal ayaa lala xiriirinaayhave 27-jirkan horrey ugu soo ciyaaray Hoffenheim, wuxuu xilli ciyaareedkan dhaliyay 11-gool.

Maamule Pardew ayaa xaqiijiyay cayaaryahanka reer  Senegal in uu rabo in uu isaga joogo kooxda ,laakin ma rabo in uu ka hadlo wararka suuqa duuld-duulaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here