Dhageesiga labo nin oo ku biiri rabay Al-Shabaab ayaa ka billaabatay Maraykanka

Magaalada New Jersey ee gobalka New York , waxaa ka bilaabatay dhageesiga dacwad loo heesto labo nin oo qirtay in ay ku biiri rabeen kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Alessa iyo Carlos Almonte, waxa ay bishii March ee sannadkii 2011-kii ayqirteen in ay ku biiri rabeen kooxda Al-Shababaab.

Sida ay lee yihiin xeer ilaalinta labada nin ayaa la xiray bishii June 2010-kii, waxaana laga qabtay garoonka diyaaradaha New York, iyagoo markaa isku diyaarinaayay in ay aadan waddanka Masar si ay ugu sii gudbaan Soomaaliya.

Labadan nin waxa ay waji doonaan xabsi daa’in sida ay lee yihiin saraakiisha hey’addaha garsoorka dalka Maraykanka gaar ahaan maxkamadda New jersey.

Kiiskan waxaa dhageesaneysa maxkamad Fedaraal ah oo ku taalla Newark.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here