Neuer oo qandaraas kale la gaaraya Bayern

Neuer oo qandaraas kale la gaaraya Bayern
Neuer oo qandaraas kale la gaaraya Bayern

Goolhayaha kooxda Bayern Munich, Manuel Neuer ayaa seddax sanno oo qandaraas cusub la galay kooxdiisa.

Cayaaryahanka lambarka koowaad, ayaa qandaraaskiisa horre wuxuu ku ekaa 2015-16, balse 28-jirkan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay siddii uu ula sii joogi lahaa kooxda heesata horyaalka Bundesliga ilaa iyo bisha June 2019.

Agaasimaha kooxda Bayern, Karl-Heinz Rummenigge ayaa xaqiijiyay in cayaaryahankan uu dhawaan saxiixi doono heshiis cusub.

Goolhayihii horre ee Schalke ayaa noqday cayaaryahan laf dhabar u noqdaykooxda .

“Goolhayeenna Manuel Neuer waa loo kordhin doonaa qandaraaska waxaana la gaarsiin doonaa ilaa bisha June 30, 2019,” Rummenigge ayaa siddaas sheegay shir jaraa’id oo Jimcihii shaley qabtay.

Neuer, ayaa ka yimid Schalke sannadkii 2011 isagoona si xor ah looga soo bixiyay €18 million, wuxuu safrtay 48 kulan dhammaan cayaarihii ay cayaartay Bayern xilli cayaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here