Necastle oo lasoo wareegtay Papiss Demba Cisse

Kooxda Newcastle United ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay lasoo wareegtay xidiga dalka Senegal iyo kooxda Freiburg ee dalkaasi Jarmalka Papiss Demba Cisse.

Cisse ayaa saxiixay heshiis shan sabo iyo bar ah iyadoo aanan la ogeyn wali lacagaha lagu iibsaday.

Weeraryahankan 26 jirka ah ogolaaday heshiiska ka hor inta uusan u dhaqaaqin Africa si daliisa uu ugala qeybgalo koobka Qaramada Africa oo bishaan furmaya.

Cisse, oo u dhaliyey xilli ciyaareedkaan kooxdiisa sagaal gool 15 kulan oo uu saftay ayaa xiran doono nambarka 9-aad ee kooxda Newcastle.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.