Natiijooyinki kulamadi xalay Milan oo taakeysay Barcelona iyo Bayern oo 2-0 ku cuntay Marseille

Barcelona ayaa u baahnaan doonto in ay ku garaacdo garoonka Nou Camp kooxda AC Milan si ay u gaarto semi-finalka Champions League kadib marki ay xalay labada naadi isku mari waayeen bar baro 0-0 ah lugta koowaad ee wareega sideeda oo ka dhacay garoonka Milan ee San Siro.

Kooxda difaacaneyso horyaalnimada ee Barcelona ayaa ka wanaagsaneyd xalay kooxda martida loo ahaa, iyadoo laga diiday gool rigoore ahaa oo uu goolhaye Abiati ku galay weeraryahan Alexis Sanchez qeybti hore ee ciyaarta.

Laakin Robinho iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa qasaariyey fursado gool lagu filan karay bilowgi ciyaarta iyo dhamaadki qeybti hore.

Barcelona waxa fursado aad muhiim u ahaa ka qasaariyey Cristian Tello oo badal kusoo galay, iyo Messi oo intuu ku gamay kubad qatar aheyd goolka hadana uu ka tufay Abiati ayuu Tello meel cidla ah ka helay iyadoo uu goolhayaha maqanyahay, balse Luca Antonini oo ahaa xidigi daafacyada Milan ayaa badbaadiyey.

Labada koox ayaa horay isugu soo arkay wareegi koowaad iyaga oo iskula jiray Group H, labada jeer ee ay is arkeen mar bareejo 2-2 ah, lugti labaadna 3-2 waxaa ku badisay Barcelona.

Labada dhinac kooxdi badiso waxay la ciyaari doontaa Chelsea iyo Benfica cidi soo baxdaa wareega xida ee Semi-finalka.

Barca kulanki xalay fursado badan ayey abuurtay daaliin daafacyada Milan ayaa iska xajiyey oo xalay si weyn u abaabulnaa kuwaasi oo ay ugu muhiimsanaayeen Alessandro Nesta iyo Massimo Ambrosini.

Milan inti ay ciyaarta socotay waxa ka dhaawacmay Robinho iyo Nesta oo la badalay, waxaana taasi ay sii murjisay xaalada kooxda oo ay horay dhaawacyo uga qabeen xigo muhiim ah.

Saraakiisha labada naadi ayaa iyaguna fikradahooda ka dhiibtay natiijadi xalay kasoo baxday kulanki San Siro.

Macalinka AC Milan Massimiliano Allegriayaa sidaan yiri: “Waxaan ciyaarnay kubad wanaagsan kadib qeybti labaad, laakin kaambiyadi hore waxaan abuurnay fursado aan goolal ku dhalin karnay laakin meysan suura galin, tani waxay nasiineysaa in kalsooni nafteena ah waxaana ku kalsoonahay in aan u gudbi doono wareega afar dhamaadka marka aan tagno magaalada Barcelona.”

Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa ku eer shegtay garoonka Milan oo uu ku tilmaamay mid aanan ku habooneyn kubada isla markaana ahaa sibibax, sidoo kale daafaca Carles Puyol ayaa ka qeyliyey weeraryahan Zlatan Ibrahimovic isaga oo tilmaamay in ay istaajiyeen isaga iyo asxaabtiisa.

Lugta labadaa ee labadan koox ayaa todobaadka soo aadan ka dhici doonta magaalada Barcelona 3-ka bisha April.

Dhanka kale kooxda Bayern Munich ayaa talaabo weyn horay ugu qaaday wareega semi-finalka kadib marki ay xalay 2-0 ku soo dubatay kooxda Marseille ciyaar ka dhacday dalkaasi Faransiiska.

Mario Gomez ayaa u dhaliyey goolka koowaad kooxda reer Jarmal isaga oo kala baxay kubada goolhaye Elinton Andrade hoostiisa.

Goolka quusiyey Marseille waxaa saxiixay Arjen Robben marki la isugu soo laabtay kaambiyadi labaad, goolkaasi wuxuu ahaa mid ay isu soo dhii dhiibeen Thomas Muller isaga oo ka toogtay meel shabqa u jirto lix yaardi.

Labadan koox cidi soo gudbto waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Real Madrid wareega afar dhamaadka.

Madrid habeen hore ayey 3-0 kusoo cuntay Apoel Nicosia oo loogaga badisay garoonkeeda, waxaana xaajadu ay u muuqataa in Bayern iyo Real ay fooda isku dari doonaan semi-finalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.