Natiijooyinka Koobka Qaramada Africa

Waxa xaley si rasmi ah uga billowday dalka Koonfur Africa , tartanka kubadda cagta qaramada Africa oo afartii sano mar la qabto.

Tartankan oo ka mid ah kuwa ugu shacbiyada badan qaarada Africa isla markaana aad loo xiiseeyo, ayaa sannadkan waxa uu ahaa in lagu qabto dalka Libya.

Libya khalalaasaha ka socda dartiis ayaa looga wareejiyay dalka Koonfur Africa oo markii labaad oo isku xigga lagu qabtay.

Xaflado waaweyn ayaa xaley ka dhacay magaalada Johannesburg oo ahayd halka ay ka dhaceen ciyaaraha koobaad ee tartanka kubadda cagta qaramada Africa.

Tartankan ka socda Qaramada Africa ee ka socda South Africa waa kii 29-aad ee koobkan tan iyo markii la billaabay.

Xaley waxa isku arkay ciyaarihii koobaad afar xul.

Ciyaartii koobaad waxa isku arkay xulalka South Africa Vs: Cape Verde ciyaarta ayaa waxa ka soo qaybgalay illaa 50,000 oo qof sida ay sheegeen wariyaasha iyo qaban qaabiyaasha tartanka ee ku sugan Johannesburg.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka National Stadium, waxana xilliga loogu talagalay ciyaarta waxa ay ku dhammaatay 0 iyo 0

Ciyaartii labaad waxa ay dhexmartay kooxaha Angola iyo Morocco waxana  iyana ay ku dhammaatay barbardhac oo 0 iyo 0 ayey ku dhammaatay.

Galabta waxa isku dhaggan.

Sunday 20 January 2013
3 Ghana v Congo DR Nelson Mandela Bay Stadium 17:00 Preview
4 Mali v Niger Nelson Mandela Bay Stadium 20:00 Preview

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here