Akhristayaasha sharafta leh ee ku xiran bogga shabakadda Midinimo waxan u soo gudbineynaa halka la kala marayo horiyaalada qaaradda Yurub xilli ciyaareedkan 2012 ilaa 2013-ka, oo meel gabagabo soo gaaray.
Horiyaalka England
Dhinaca Ingiriiska Premier League, waxaa Axadii la ciyaaray labo kulan, kooxda Manchester U ayaa hadda sii kordhisay dhibcaha ay ku hoggaaminaayso horiyaalka.
Man oo marti u ahayd kooxda Stoke C., waxa ay ku badisay 2 iyo 0, halka Newcastle U oo Sanjemis Barg ku ciyaareysay 3 iyo 0 looga badiyay, kooxda Sunderland ayaa guushaas gaartay.
Horiyaalka Ingiriiska
Manchester United 32 80
Manchester City 31 65
Arsenal 32 59
Chelsea 31 58
Tottenham Hotspur 32 58
Dhinaca gool dhalinta
L. Suárez Liverpool 22 0 9
R. van Persie Manchester United 20 2 9
G. Bale Tottenham Hotspur 17 0 7
Waxaa dib loo dhigay ciyaar ay Chelsea la ciyaari lahayd kooxda Tottenham H
Dhinaca FA-Cup-ka kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa ciyaarta Semifibalka ku yeeshay xaley garoonka caanka ah ee Wembely.
Goolka waxaa ku hormartay kooxda Manchester C. waxaa u dhaliyay Samir Nasri daqiiqadii 35-aad qaybtii hore ciyaarta.
Qaybtii labaad ayaa goolkii labaad laga dhaliyay Chelsea billowgii qaybta labaad waxaana dhaliyay xiddiga reer Argentina ee Sergio Agüero.
Kooxda Chelsea ayaa heshay hal gool daqiiqadii 66-aad waxaana u dhaliyay weerar yahankooda Dema Ba
Sidaas ayaa kooxda Man City waxa ay u soo gudubtay ciyaarta Fiinalka FA Cup-ka waxaana ay isugu soo aadeen
Dhinaca Spain – Primera Division
Kooxda Barcelona ayaa sii wadadata guulaha ay ka gaareyso horiyaalka Laliga, Barca oo marti u ah kooxda Zaragoza waxa ay ku badisay 3 iyo 0.
Ciyaartaas dhammaan xiddigaha muhiimka ee kooxda Kataalaniga waa la nasiyay.
Natiijo noocaas oo kale waxaa ku badisay kooxda Real Madrid oo marti u ahayd kooxda Athletic Bilbao, labo ka mid ah goolasha Los Balan kuwiska waxaa dhaliyay xiddiga reer Portugal C. Ronaldo halka goolka kale uu dhaliyay G. Higuain.
Ciyaaraha kale Rayo Vallecano 0 – 2 Real Sociedad, halka Atletico Madrid ay 5 – 0 u dhiibtay kooxd Granada
Horiyaalka Spain
Barcelona 31 81
Real Madrid 31 68
Atlético Madrid 31 65
Real Sociedad 31 54
Málaga 31 50
Kuwa ugu hooseeya
18 Real Zaragoza 31 27
19 18 Celta de Vigo 24
19 Mallorca 30 24
Gooldhalinta
L. Messi Barcelona 43 4 11
Cristiano Ronaldo Real Madrid 31 6 9
R. Falcao Atlético Madrid 24 8 10
Negredo Sevilla 18 2 7
Horiyaalka Talyaaniga Axadii waxaa la ciyaaray dhowr kulan
Halka Milan ay kabax san weysay kooxda Napoli oo ay ku kala baxeen waqtiga loogu talagalay ciyaarta 1 iyo 1.
Kooxda Milan ayaa ku hormartay goolka waxaa u dhaliyay Flamini daqiiqadii 30-aad laakin seddax daqiiqo kaddib ayaa goolkii barbardhaca laga daba keenay Milan waxaana ka dhaliyay Pandev.
Kulamada kale ee la ciyaaray, Axadii AS Roma waxa ay 2 iyo kaga soo badisay kooxda Torino oo garoonkeeda lagu ciyaarayay.
Chievo iyo Catania waxa ay ku kala tageen 0 iyo 0, halka Palermo iyo Bologna ay ku kala baxeen min gool iyo hal gool., natiijo noocaas oo kale waxa is dhaafsaday Genoa iyo Sampdoria, kooxda Parma waxaa looga badiyay gurigeeda ,, Udinese ayaa 3 iyo 0 kaga adkaaday.
Horiyaalka Talyaaniga
1 Juventus 31 71
2 Napoli 32 63
3 Milan 32 59
4 Fiorentina 32 55
5 Lazio 31 51
Kooxaha ugu hooseeya
18 Palermo 32 28
18 Genoa 32 28
20 Pescara 32 21
Gool dhalinta
E. Cavani Napoli 22 5 8
A. Di Natale Udinese 17 4 8
S. El Shaarawy Milan
Horiyaalka Germany – Bundesliga I.
FT Stuttgart 2 – 0 Monchengladbach
FT Augsburg 2 – 0 Eintracht Frankfurt
Horiyaalka France – Ligue 1
FT Nice 3 – 0 Sochaux
FT Lyon 3 – 1 Toulouse
FT Lille 0 – 0 Marseille
Horiyaalka Faransiiska
1 PSG 32 67
2 Olympique Mars… 32 58
3 Olympique Lyonnais 32 56
4 Saint-Étienne 32 54
5 Nice 54
Gool dhalinta
Z. Ibrahimovic PSG 26 3 11
P. Aubameyang Saint-Étienne 17 1 8
J. Aliadière Lorient 14 2
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com