Live: Natiijada wareega koowaad ee baarlamaanka oo lagu dhawaaqay

Prof Jawaari oo ku hogaaminayo 119 cod iyo Cabdi Xaashi & C/rashiid Xidig oo tanasulay
Waxaa lagu dhawaaqay natiijada wareega koowaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha sida kumeel gaarka ah generaal Muse Xasan Cabdulle ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari uu helay 119 cod, halka kaalinta labaad uu galay Prof. Cali Khaliif Galeydh kaasi oo helay 77 cod.

Xildhibaan Cabdi Xaashi oo kaalinta labaad ku galay 23 ayaa noqday musharaxi u horeeyey ee tanasula, isaga oo sheegay in codadkiisa uu ku biiray Prof Jawaari oo ah ninka ugu cad cad.

Kaalinta afraad waxaa galay Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig kaasi oo helay 10 cod, waxaa ugu danbeeyey Xasan Abshir Faarax oo keensaday 5 cod, labadooduba waxay ku dhawaaqeen in ay tanasuleen codadkoodana ku biiriyeen xildhibaan Jawaari.

Wareeg labaad ayaa loo baahnaaday kaasi oo dhawaan bilaaban doono waxaana ku tartami doona Cali Khalif Galeydh iyo Maxamed Cismaan Jawaari, kuwaasi oo ah labada musharax ee ugu badan.

Xildhibaanada codeeyey ayaa ah 234 mudane, laba cod way halowday, halka inta kale ay codadkooda dhiibteen.

Inta uusan bilaaban wareega labaad waxaa la filayaa in la dhaariyo 16 mudane kuwaas oo ah xildhibaano cusub, xildhibaanadaas waxa ku jiro qaar galay booska mudanayaal maanta ay Maxkamada Sare ogolaatay in ay yihiin mudanayaal kadib marki loo diiday xubinnimadooda.

 

Wixi kusoo kordha Livedib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here