Napoli oo £60M ku rabta Cavani

Kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Napoli ayaa sheegtay, haddii ay fasaxeyso xidigeeda gool dhalinta hoggaaminaya  Edinson Cavan in ay u baahan tahay lacag  ka badan kuwa ay soo bandhigeen kooxo ay ka mid yihiin Manchester City.

Xidiggan reer  Uruguay, ee 26-jirka ayaa raba in uu ka tago kooxda isagoona u jeeda kooxo kale oo ka dhisan waddamada Ingiriiska iyo Spain.

Maamulaha kooxda Napoli,Aurelio De Laurentiis ayaa yiri: “waxaan u baahan lacag badan haddii uu Cavani ka tagaayo kooxda Napoli.

Wuxuu intaas ku daray , waxaa hadda naloo keenay illaa 54-milyan oo bond, laakin waxaan u baahanahay 60-milyan oo £.

Ciyaaryahan Edinson. ayaa kooxaha baadi goobaya waxaa ka mid ah kooxda Real Madrid.

Xidiggan ayaa hoggaaminaya gool dhalinta horiyaalka Talyaaniga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here