Nakuro: Meydka Arday Soomaaliyeed la la’aa oo Webi laga dhex helay

09_tana_riverShukri Maxamed oo Arday ka ahaa Jaamacadda Moi University ayaa la helay maydkiisa oo si xun loo dilay.

Wiilkaasi oo 24 jir ahaa ayaa la la’aa tan iyo bishan April 8-dii, xilligaasi oo ku sugnaa guriga hooyadiisa oo ku yaalla Tuulladda Kapetembwo ee Degmadda Nakuru.

Marxuumka oo 24-jir ahaa ayaa la sheegay in maydkiisa oo si xun loo dilay laga helay Webi ku yaalla Degmadda Thika, isagoo  garab-duub u xiran, labada Indhood laga bixiyey, lagana jaray carrabka.

Saraakiisha Boliska ayaa la sheegay inay maydka ka soo saareen Webiga Ol Dunyo Sabuk, sida ay Qoyskiisa u sheegeen Saxaafadda.

Hooyadda dhashay Marxumka oo lagu magacaabo Xaliimo Taajo ayaa sheegtay inay nasiib xumo tahay in la dilo Wiilkeeda oo ay sheegtay inuu ahaa Arday Jamaacadda ka qalinjebin lahaa, isagoo baranayey Maadada Maareynta Ganacsiga.

Waxay sheegtay in wiilkeeda ugu war dambeysay  bishan April 6-dii, isagoo xilligaasi soomanaa, wuxuuna u sheegay inuu aadayo wiil saaxiibkiisa oo ay ballan lahaayeen.

Hooyo Xaliimo Taajo waxay intaasi ku dartay inay  galabnimaddii waday Mobaylkiisa, balse laga qabanin, ka hor inta aan Mobaylka la damanin.

Waxay xiriir la samaysay saaxiibadiisa iyo qaraabadiisa, kuwaasi oo u sheegay inaysan arkin Wiilkeeda Shukri Maxamed. Kadibna waxay tageen Barta Boliska ku leeyihiin Tuulladda Kaptemnwo,kuwaasi oo u sii gudbiyey Waxada Dembi-baarista ee CID-da.

Hooyadda waxay tilmaamtay inay Saraakiisha CID-da tusiyeen Sawirka Wiil ay saaxiibo ahaayeen Wiilkeeda , balse, Boliska faahfaahin dheeraad ah kama bixinin arrintaasi.

“Waxaa iska cad inay Saraakiisha CID-da wax ka og yihiin wiilkayga maqan” ayey tiri Hooyo Xaliima Taajo, waxayna Qoyskeeda ka codsadeen Boliska in la furo Baaritaan lagu ogaanayo wiilkeeda la dilay.

Taliyaha Boliska Nakuru, Xuseen Baru waxa uu sheegay inay Boliska xoojinayaan baaritaanka Kiiskaasi.

Dhinaca kale, Wiil la dhashay Marxuumka ayaa sheegay inuu geerida Walaalkiisa ka maqlay dhallinyarro ay saaxiibo yihiin oo uu kula sheekeystay Baraha ay Bulshadda ku wada xiriiraan.

Marxuumka la dilay waxaa la filayey inuu Bisha August  ee soo socota ka qalin jebiyo Jamaacadda Moi University, isagoo bartay Cilmiga Maaraynta Ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here