Nairobi: Wax badan ka ogaaw booqashada uu Shiikh Shariif ku tegay Nairobi

shariif_FotorWaxaa xalay magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya soo gaaray, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Waxaana si weyn usoo dhaweeyay Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi.

Sida warar lagu kalsoonaan karo ay xaqiijiyeen, Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu caasumaad ka helay dowladda Kenya, iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay laga sugayay magaalada Nairobi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu la kulmi doono Madaxda Kenya, iyagoo ka wada hadli doona xaalada siyaasada siyaasadee ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo horay Sheekha xurguf xaga siyaasada ugu dhaxeysay ayaa lagu wadaa inay isu soo dhowaadaan.

Madaxweyne Shariif ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha, inkastoo aanu si rasmi ah ugu dhawaaqin, waxaana intii uu ka maqnaa masraxa siyaasada uu ahaa nin inta badan ka gaabsanayay ka hadalka xaalada siyaasadeed ee dalka.

Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu tago qaar ka mid ah dalalka deriska ah, waxaana loo arkaa in socdaalkiisa uu xoojin u yahay ololihiisa doorashada.

Sidoo kale warar hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo,  ayaa sheegaya in bisha soo socota ee June uu dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 2012, xilligaasoo looga itaal roonaatay tartankii Madaxtinimada Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here