Nairobi: Uhuro Kenyatta oo sheegay inuu mardhow booqasho ku imaan doono Muqdisho

 

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in mustaqbalka dhow inuu booqasho ku tegi doono magaalada Muqdisho, isaga iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD, si ay u arkaan horumarka ka jira dalka, sidoo kale ay arkaan xaqiijinta ammaanka iyo xasilinta ka socota Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya ay si dhow ugala shaqeynayaan dhinacyada nabadgelyada iyo ammaanka, waxaana uu xusay in labada dal ay adkeyn doonaan ammaanka xuduuda ay wadaagaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrinta qaxootiga ayaa sheegay in mabda’ ahaan ay isku waafaqeen in qaxootiga dalkooda ku laabtaan, balse arrintaas loo marayo si nidaamsan oo degenaan leh, isla markaana ku jirin si qasab ah.

War murtiyeedkii laga soo saaray wada hadalada labada Madaxweyne ayaa dhigayay in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid khiyaari ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii saddex geesoodka ee Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here