Nairobi: Uhuro Kenyatta oo sheegay inuu ciidamadiisa kala soo baxayo Soomaaliya

Uhuro KenyattaMadaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa uu soomaaliya kala bixidoono hadii aan la kordhin dhaqaalaha Amisom ay ka hesho beesha Caalamka oo mudooyinkii la soo dhaafay hoos loo dhigay in ka badan Boqolkiiba 20.

‘’Kenya waa mid ka mid ah wadamada Ciidamadooda sida mutadawacnimada ah ugu diray somaliya sidaa daraadeed waxaa na saameynaya Hoos u dhaca dhaqaalihii Amisom ay heli jirtay taaasoo kalifaysa in Moraalka ciidanka uu hoos u dhoco ayuu yiri Uhura Kenyatta“

Sida uu baahiyay wargayska Daily Nation, wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta ayaa Difaacay Eeda Kenya ee ah inay ku lug la haayeen Dhuxushii soomaliya laga dhoofinjiray taasoo uu ku tilmaamay in ay xaqiiqada ka fogtahay warbixnta Baarayaasha Qaramada Midoobay.

Kenya oo qayb ka ah howlgalka Amisom waxaa somaliya ka joogta 3 kun iyo 664 boqol oo askari oo ku qoran qeynta 2aad ama Secter two.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here