Nairobi : Tartanka bariga iyo bartamaha Afrika oo maanta furmaya

CECAFA-Club-Cup-2013 Magaalada Nairobi, waxaa maanta oo Arbaca ka furmaya tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa.

Ilaa 12-xul ayaa ka qaybgalaya tartakan, waxaana ku jirra xulka Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Siddexda koox ee isugu soo hara koobka, waxaa la siin doonaa $100,000 oo ah lacagta Maraykanka , waxaana bixineysa lacagta shirkad lagu magacaabo GOtv oo laga lee yahay dalka Kenya.

Tartanka waxaa uu dhici dooanaa magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Kisumu iyo Machakos, sidaas dowladda Kenya ayaa u asteesay.

Sida loo qaybiyay kooxaha ka qaybgalaya tartanka waa sidan:

Group A waxaa ku jirra Kenya, Ethiopia, South Sudan iyo Zanzibar.

Group B waxaa ku jirra Tanzania, Zambia, Burundi iyo Soomaaliya.

Group C waxaa ku jirra kooxda difaacaneysa ee Uganda, Rwanda, Sudan iyo  Eritrea.

Xulka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Africa (CECAFA Cup) waxaana ay ku jiraan qeybta B waxaa ku wehliya dalalka Burundi, Tanzania iyo Zambia.

Kala soco natiijada markasta tartankan bogga Mindimo.com oo ah hooyga cayaaraha Soomaalida iyo kuwa caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here