Nairobi: Booliska Kenya oo toogtay nin weeraray safaarada Mareeykanka

Ciidamada ilaalada Safaarada Mareeykanka ee Nirobi ayaa toogasho ku dilay Nin Tooreey ku hubeysan oo weerar kusoo qaaday.

Ninkan ayaa Tooreey kusoo weeraray ilaalada Safaarada Mareeykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi, taasoo keentay in ilaalada ay toogtaan.

cvx7moowiaahqrm-905x679

Muuqaalo laga soo qaaday ayaa muujinaya ninkan oo si aad ah u dhiig baxay yaalana albaabka Safaarada.

Majiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Kenya iyo Safaarada Mareeykanka.

1445525 article-doc-hj6vi-4xdjfckx22c0e3f43ed23727d94c-823_634x425

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here