Nadaara iyo Mowliid oo difaacay Sharuurka Wariyeyaasha (Daawo)

Barnaamijka Xog-waran ee ka baxa TV-ga Universal ayaa lagu soo qaatay dood ka hadleysay qoraal bishii hore uu sameeyay Wariye Jamaal Cusmaan oo ugu hadlayay dilalka Wariyeyaasha iyo sababta ka danbeysa, iyadoo doodaan ay ka qeyb qaadanayeen Wariyihii qoraalka ku qoray Wargeyska The Guardian iyo Mowliid Xaaji Cabdi oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee Londan degan.

(Halkan Ka Daawo Dooda) Barnaamijkan oo uu daadihinayay Wariye Nadaara ayaa wuxuu ahaa mid ay ku kala duwanaayeen labada Labada Wariye ee ka qeyb qaadaneyay, iyadoo Jamaal Cusmaan uu difaacay qoraaalkii The Gaurdian, fikir adagna iska taagay arinta ku saabsan Sharuurka oo ah eray ay wariyeyaasha u bixiyeen xooggaa qidmo yar oo ay ka qaataan qofka warka laga sameynayo ama shirka jaraa’id qabanaya.

Jamaal ayaa mar uu ka sii hadlayay arrinta Sharuurka wuxuu tilmaamay in Wariyaha la siiyo sharuurka uusan marna wax kasoo horjeeda Siyaasiga bixiya lacagta uusan ka sheegi karin, taasina ay tahay in Tobanka Malyan ee Soomaalida ku dhageysaneysa ama ku daawanaya ku sameysay qiyaano oo aad been u sheegtay maadaama aad tahay isha kaliya ee warka ay ka qaadanayaan ama ay aaminayaan.Markii uu intaas Jamaal ka dhawaajiyay Wariyihii kale ee ku diidanaa fikirkiisa ee Mowliid uu ku raacay in sharuurku yahay wax jiro oo ay qaataan Wariyeyaasha,, laakiin Mowliid ayaa yiri Wariyeyaasha dhan ma qaataan ee waxaa qaata qaar ka mid ah, qaabka ay u qaataana uu yahay mid ku kaliftay dhaqaale xumo iyo aqoon daro.

Markii dooda ay halkaasi mareyso ayaa hal mar waxaa doodii gediyay Wariye Nadaara aad maleyso in uu difaacayo arinta Sharuurka wuxuuna ku macneeyay sharuurka la siiyo wariyeyaasha Taxi raac, isagoo tusaale u soo qaatay Madaxda caalamka markii ay ololaha doorashada ay sameynayaan in Wariyeyaasha ku kaxeeyaan diyaarad, wuxuuna weydiiyay sababta diideyssa in wariye Mushaar yar qaata in la siiyo lacag taxi raac mar hadii siyaasigu u soo diri karin gaari ama Taxi.

Nadaara iyo Mowliid ayaa hal mar barnaamijkii sii laba kciyay iyagoo si wada jir ah Wariye Jamaal fikirkiisa ku caburiyay, mararka qaarna waxay labadooda wariyaha ku handadayeen inuusan qibrad u laheyn shaqada Soomaaliya ama Muqdisho ee ay iyagu uga qibrad badan yihiin mar hadii ay iyaga ka shaqeynayeen in ka badan 15 sano, halka Jamaal ay ku sheegeen in wax ka yar Afar sano ka howlgalayay gudaha Soomaaliya.

Laakiin Jamaal ayaa isku dayay inuu ka qanciyo sababaha iyo ujeedada qoraalkiisa ee The Gaurdian isagoo sheegay in uu ku doonayay inuu ku saxo Saxafiyiinta Soomaalida iyo qaladaadkooda, hase ahaatee Mowliid ayaa ahaa ka qeyb qaate barnaamijka lagu casuumay isaga iyo Jamaal markii danbena isku badalay Wariye Barnaamijka daadihinayay, halka Nadaare uu ku garab siinayay Mowliid.

Arinta yaabka laheyd waxay aheyd markii uu Mowliid afduubtay Barnaamijka oo si toos ah u weydiinayay su’aalaha uu rabay markaasi, wuxuuna mar marka qaarkood caddeynayay in uu  ku qaldan yahay inuu weydiiyo su’aalo laakiin uu ku doonayay inuu helo su’aalahaasi jawaabahooda.

Barnaamijka oo cinwaankiisu ahaa maxaa sababay dilalka Wariyeyaasha laakiin isku badalay barnaamij looga hadlo arinta sharuurka, waxaana laga sugeyay in Jamaal iyo saaxiibadiisa ka doodaan sababta dilalka wariyeyaasha oo in yar ay kaga doodeen waxyaabaha sababa, halka aysan ku soo qaadan qaabka loo samatabixin karo wariyaha maanta ku dhimanayo Muqdisho.

Waa wax iska cad oo aan la qarin karin arinta sharuurka, waxaana arintan wax ka og Milkiilayaasha Warbaahinta, Tusaale, Tv-ga ay dooda ka dhaceysay ayaa shaqadiisa ka mid ah in la shaqaaleysiiyo Wariye aan la aqoon iyo mid aan qibrad u laheyn xirfadda saxaafadda, waxaana sharciyada wariyeyaasha ay ku howlgeliyaan ka mid ah magac shaqo ku badalasho, taasoo macnaheedu tahay in Sharuurku u yahay mushaarka uu ku howlgelayo, weliba hadii sharuurkiisa badan yahay qeyb ka mid ah lacagtaasi waxay ku dhaceysaa qasnada TV-ga sida qaabka lacagta Xayeysiinta uu sameeyo TV-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here