Nabadoon xalay lagu dilay Waqooyiga Gaalkacyo

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waqooyiga Gaalkacyo maamulka Puntland ku toogtay Nabadoon si weyn looga yaqaano gobolka Mudug, islamarkaasna magaciisa lagu soo gaabiyay (Nabadoon Faaruuq).

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in falkaan dilka ah ay geysteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan biskoolado, xili uu nabadoonka ku sugnaa hoygiisa, waxaana la sheegay in kooxaha dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana daqiiqado kadib halkaas soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland, kuwaasoo halkaas baaritaano ka sameeyay.

Marka laga soot ago falka dilka ah ee loo geystay nabadoonka, ayaa waxaa jirin wax war ahoo kasoo baxay laamaha amniga ee maamul goboledka Puntland.

Dhinaca kale Askari katirsan ciidamada amniga ee Puntland, ayaa isna xalay lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, waxaana wararka ay sheegayaan in askarigaan ladilay uu kasoo baxay saldhiga ku yaala bartamaha Boosaaso, islamarkaasna uu kusoo jeeday Suuqa bartamaha Boosaaso.

Ciidamada amaanka Boosaso ayaa saakay howlgalo ka bilaabay goobta lagu dilay Askarigaan, waxaana ay gacanta kusoo dhigeen tiro dad ah oo looga shakisanyahay ineey ka danbeeyeen dilka loo geystay Askarigaas.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here