Nabadoon Maxamed Axmed Faarax Indha Yare oo Lasii Daayey

Wararka naga soo gaaraaya gobolka Gedo ayaa soo sheegaaya in xarakada Al-shabaab ay siidaayeen mid kamid ah nabadoonada gobolkaasi.

Dagaalyahanada xarakada Al shabaab ayaa maanta sii daysay Naboon Maxamed Axmed Faarax Indha-Yare oo ka mid ah salaadiinta Beesha Maraxaan Sade.

Xarakad Al shabaab waxaa ay nabadoon Maxamed Axmed Faarax indha yare heysteen inka badan 15 maalmood, waxaana ay ku heysteen oo ay ku afduubtoon dhul miyi ah.

Maanta ayay xarakada  Al shabaab soo daayeen nabadoonka oo ay ka muuqato diif iyo haraad aad u darran, waxaana Maleeshiyaadka ay nabadoonka fduubteen ka dib matrkii uu ka diiday inuu ku shaqeeyo fikirka Shabaab ee khaldan.

Ilaa iyo hadda shabaabku ma caddayn sababta ay u xireen Nabadoonka iyo waxa ay ku haysteen.

Nabadoonka ayaa waxaa uu hadda ku sugganyahay magaalada Baardheere halkaas oo ay saaka soo gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii heystay ee xarakada  Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here