Nabadoon Dhaawac Culus loogu geystay Degmada B/Xaawo

bastooladKoox hubeysan ayaa xalay ku dhaawacay nin ka mid ahaa Nabadoonada ugu magaca weyn degmada Buula Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dhalinyado watay Bistoolado ayaa dhowr xabadood madaxa iyo Laabta kaga dhuftay Nabadoon Adan Cali iyagoo falka kadibna goobta isaga cararay.

Nabadoonka oo dhaawac culus qaba ayaana meesha laga qaaday waxaana la dhigay Cusbitaalka Magaalada Buula Xaawo ee Gobolka Gedo.

Ehelada Nabadoon Aadan Cali waxay sheegeen in maanta xaaladiisa kasoo yara wanaagsanaaneyso kadib 12 saacadood uu xaalad adag ku jiray iyo Saalada qaliinka xabadihii ku jirayna laga soo saaray.

Maamulka Dawlada ee Degmada Buula Xaawo waxay sheegayaan inay ku raad joogaan dableydii weerarkaasi ku dhaawacay nabadoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here