Nabadoon dhaawac Culus loogu geystay Degmada Afgooye

bastooladInkastoo aan la ogeyn kooxda weerarkaasi ku dhaawacday Nabadoon Xuseen Jiis ayaa hadana waxa dhaawaciisa loo soo qaaday Cusbitaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa waxa la dhaawacay Xalay wakhti uu kasoo baxay Masjid ku yaalla degmada Afgooye waxaana la ogeyn sababta loo dhaawacay nabadoonkaasi.

Ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa gaaray meesha lagu dhaawacay Xuseen Jiis iyagoo sameeyey baaritaan inkastoo dad asan kusoo qaban howlgalka waxaana isla xalay goobta falka ka dhacay iskaga cararay Kooxdii weerarka geysatay.

Dadka ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa waxay cabsi ka muujiyeen weerarada ka dhaca Degmadaasi ee bartilmaameedka dadka qaar looga dhigto iyadoo aan la ogaan sababta iyo cida disha intuba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here