Nabadoon Caan ah oo Xalay Lagu Dilay Gobolka Galgaduud.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Magaaladaasi duulo ku dhow una jirta 30 KM Xalay lagu dilay nin Nabadoonhaa oo tuuladaasi ku dhaqnaa.

Nabadoonka ayaa Xalay Dilka Loogeystay ayaa la sheegay in uu ahaa nin Ganacsade ku ahaa tuuladaasi, iyadoo uu Dilka u geystay Nin ku Hubeysnaa qoray Aakaha ah ee Soomaalida Badanaa isticmaalaan.

Al-sbaab ayaa ka danbeeyay in la Dilo Ninkaani ayaa la sheegayaa in loo Dilay aano Qabiil oo ay dadka Soomaaliyeed isku Dilaan mudooyinkaani danbe, mana jiraan wax hadalo ah oo ka soo baxay kadib markii Nabadoonkaani dilka loo geystay.

Dhacdada dilka ah ee loo geysana dadka wax tarka ah ayaa badanaa waxaa ka danbeyso aargoosi Qabiil, waloow xiliyaadaani danbe ay ka bateen dilalka ay geysanayaan kooxo aan heybtooda la garaneyn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here