Nabadoon Caan ah oo Gurigiisa laga Afduubtay Magaalada Kismaayo

kismaayoAargada

Nabadoon Xasan Maxamed Gariir ayaa la sheegay in Xalay gurigiisa laga Afduubtay iyadoo warar is khilaafsan kasoo baxayaan qaabka loo kaxeystay.

Nabadoonka ayaa wararka qaar ay sheegayaan in koox hubeysan ay gurigiisa kala baxeen halka wararka ay iyaguna sheegayaan in Ciidan katirsan Maamulka Jubba ay la baxeen.

Warar kale ayaa sheegaya in marka nabadoon Xasan Gariir Gurigiisa laga Afduubanayey uu la kulmay in la jir dilay iyadoona xaaladiisa caafimaad ay dadka Ehaladiisa ka deyrinayaan.

Nabadoonka ayaa dadka qaar waxay sheegayaan in uu mucaaradsan yahay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe sidaasina laga yaabo in loo Afduubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here