Nabaddoon caawa lagu dilay Beledweyne

deg deg ahWararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiran ayaa sheegay in kooxo bastoolado ku hubeysan in ay caawa  ku dishay halkaas nin nabaddoon ah oo magaalada  caan ka ahaa.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka magaalada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in labo nin oo dhallinyaro ah oo hubeysan ay toogteen nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Maxamuud.

Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay in xilligaas uu masaajid ka soo baxay.

Lama oga sababta loo dilay iyo cidda dishay nabaddoonka, kooxda dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsaday.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa odayaashii soo xushay baarlamaanka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here