Naafada Muqdisho oo xaallado adag ay soo wajahday

Wariye ka tirsan BBC-da ayaa warbixin ka diyaariyay xaallada ay ku sugan yihiin dadka Naafada ee  ku dhaqan magaalada Muqidsho.

Qaar ka mid ah dadkaas ayaa ka cabanaya xaalado adag oo ka soo wajahday xarumaha dowladda ee lagu bixiyo adeegyada dadweynaha.

Ma helaan xanaano iyo daryeel, waxaana intaas u sii dheer iyadoo goobaha dawladda iyo kuwa dadweynaha midna aan loo diyaarin albaabo ay ka galaan dadka lixaadkoodu dhimanyahay.

Naafada Muqdisho oo xaallado adag ay soo wajahday
Naafada Muqdisho oo xaallado adag ay soo wajahday

Axada Caraaye waa 60-jir ku naafowday madfac ku soo dhacay mehrad yer oo ay ku lahayd Suuqa Bakaaraha, dhowr sanno ka hor waxa ay ka sheekeysay xaallada ay ku sugan tahay.

Waxa ay sheegtay in muddo lix sanno ay naafo tahay, iyadoona intaas ku dartay in ay heyso gabar ay dhashay oo madaxa ka xanuunsan taasoo dhowr carruur ah heesata.

“Qofka aad dhahod gurriga ii soo xaaq wuxuu kaa rabaa lacag, dhibka mayaro laakin wax kasta illaah ayaa leh” ayey tiri Hooyo Axado.

Sidoo kale,Hooyo 41-jir ah oo lug naafo ah, ayaa sheegtay in muddo 10-cisho ay raadineysay Baasaboor, balse dhibka heesta uu yahay in aysan kori Karin dabaqyada, mana helin wax gargaar ah.

“Muddo 10-cisho ayaan raadinayaa Baasaboor, laakin weli ma helin Dabaq kasta oo aan dato waan ka soo laabtaa” ayey tiri hooyadan.

Ma ahan hooyadan oo kaliye ee waxaa jirra kuwa badan oo gabay in ay tagaan goobo muhiim maadama ay waayeen cid gacan qabata ama daryeel u fidiya.

Dadka Naafada ah ee ku nool magaalada Muqdisho badankooda waxay lixaadkooda kuwaayeen dagaallada muddada ka socdo dalka Somaliya gaar ahaan caasimadda.

Hadaba ra’yigaaga oo kooban ka dhiibo Akhriste?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here