Allegri: Weerrar yahano cusub ayaa immaan doona, haddii Robinho iyo Pato ay ka tagaan Milan

Naadiga Talyaaniga ee Rossoneri ayaa sheegtay in bixin doonto dhaqaale ay ku keensato labo weerrar yahan oo cusub, haddii ay ka dhaqaajiyaal labada weerrar yahan ee reer Brazil.

Tababaraha kooxda  AC Milan Massimiliano Allegri ayaa daaha ka rogay in ay la soo saxiixan doonnaan weerrar yahano cucub , haddii labada ciyaartooy ee Alexandre Pato ama Robinho ay ka huleelaan kooxda.

Labadan ciyaartooy ayaa la sheegayaa in ay ku laaban doonnaan waddankooda iyo kooxdoodii hore ee  Cagliari sida uu sheegay macalinka kooxda AC-Milan.

Wuxuu yiri labadooda waxa ay bixi doonnaan xilliga xaggaaga markaas oo furan suuqa kala iibsiga cayaartoyd.

“Haddii Pato iyo Robinho baxaan, waxan u baahanahay labo weerrar yahan kale, waxa loo baahan illaa shan weerrar yahan in la keeno, laakin arrintaas waxa ay u taallaa Galliani,” ayuu yiri 45-kan oo la hadlaayay saxaafadda.

Wuxuu intaas ku daray “ In loo baahan siddii lagu xoojin lahaa kooxda, laakin weli uu socdo abaabul”

“Haddii ay imaanayaan ciyaartooy waa in ay yimaadaan kuwa aad muhiim ah “ ayuu mar kale yiri macalin Allegri.

Wuxuu rabaa in uu keeno koox Mario Balotelli iyo Javier Pastore, kuwaasoo labadaba lala xiriirinaayo in ay u soo wareegaan kooxda  Rossoneri.

Kooxda Milan ayaa hadda isku diyaarineysa cayaarta adag ee berri la ciyaareyso kooxda Roma  oo a lagu cayaarayo gurigeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here