M/weyne Xasan oo socdaal ku tagaya Garawe

imagesWarar lagu kalsoonaan karo islamarkaasna laga helay Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa sheegaya in M/weyne Xasan Shiikh, uu maalmaha soo aadan socdaal ku tagi doono Xaruunta maamulka Puntland ee Garowe.

Wafdi hordhac u ah socdaalka M/weynaha, islamarkaasna uu hogaaminayo wasiirka Madaxtooyada iyo Cadaalada Faarax C/qaadir iyo kan Gudaha Goodax Barre, ayaa filayaa ineey Gaaraan Garawe.

M/weyne Xasan oo la filayo inuu dhamaadka Bishaan Gaaro Garawe, ayaa ola filayaa inuu kulamo la qaato M/weyne Gaas, si loo soo afjaro khilaafka mudada u dhaxeeyay Doowlada Federalka iyo maamulka Puntland.

Maamulkii hore ee Faroole, ayaa xiriirka u jaray DF, waxaana maamulkaas uu ku andacooday in madaxda Doowlada Federaalka aysan dhaqan galin nidaamka Federaaliisimka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here