M/weynaha oo u duulay Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kenya
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kenya

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Kuweyt.

Madaxweynaha ayaa dalka Kuweyt uga qeybgalaya shir madaxweedka wadamada jaamacadda Carabta oo dhawaan ka furmidoona magaalada Kuweyt ee xarunta dalka Kuweyt, waxaana madaxweynaha safarkiisa ku wehliya mudanayaal ka tirsan Baarlamanka.

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyay gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here