M/weynaha oo u amba baxay Ethiopia

xasanmMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soonmaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa booqasho labo cisho qaadaneyso  waxa ay ku joogi doonaan dalka Ethiopia, halkaasi oo ay Mas’uuliyiinta Ethiopia ay kulankooda kaga hadli doono xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka ammaanka iyo arrimo kale.

Warar laga helayo saraakiil ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka John kerry oo haatan ku sugan Addis Ababa uu halkaasi kula kulmayo Madaxwerynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud, isagoo kala hadli doono sidii Nabad iyo Xasiliini loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya islamarkaana loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiil Mareykan ah ayaa iyaguna xaqiijiyay kulanka, waxayna sheegeen in Mareykanku ay ka tageeri doonaan Dowlada Xasan Sheekh Maxmuud uu hogaamiyo la dagaalanka kooxa AL-Shabaab iyadoo dowladda mareykanku ay horey u soo jeedisay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM eek u suagan dalka Soomaaliya gaar ahaan tirade ciidamada Itoobiya ka jooga dalka soomaaliyaga, waxaana sidoo kale uu xoghayaha arrimaha dibadda itoobiya uu arrimaha soomaaliya kala hadlayaa dowladda itoobiya oo ciidamo badani ka joogaan gudaha dalka soomaaliya

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay u sii amba bixi doonaan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ka helay casuumaad rasmi ah boqorka Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan,

Wafdiga Madaxweynaha waxaana garonka ku sii sagootiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho, Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, siyaasiga Cali Maxamed Geedi iyo mas’uliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here