M/weynaha oo Kulamo Xasaasi ah la qaatay M/weynaha Turkiga, Qadar iyo Hillary Clinton

IMG_7811-copy-1M/weynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo maalmahaanba ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa kulamo dhanka amaanka ku saabsan la qaatay. Madaxweynaha Turkiga Mudane Cabdulah Guul, Amiirka Qatar H.H. Sheikh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo Xoghayihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen guud ahaan amaanka Soomaaliya iyo Caalamka.

M/weyne Xasan Shiikh oo ugu horeyn kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha dalka TurkigaAbdalla Guul ayaa yiri sida tan “Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen” wuxuu kaloo Madaxweynuhu dhigiisa u sheegay dhibaatooyinka Argagaxisadu ay ka wadaan Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale wuxuuna u sheegay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo  tayeeyo hay’adaha Amniga ee Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta oo ka siman dhamaan Bariga Afrika.

Dhanka kale M/weyne Xasan Shiikh ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Qadar Amiir SH. Tamim Bin Hamad Al Thaani, waxaana labada dhinac ay isla soo hadal qaadeen horumaradii ugu danbeeyay ee dalka Soomaaliya.

Amiir SH. Tamim Bin Hamad Al Thaani, ayaa ballan qaaday in doowladiisa ay sii laba laabi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, islamarkasina ay ka garab siin doonto dhanka amaanka iyo gargaarka aadananimo.

577356_510555555695594_1696586372_n

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Hillary Clijnton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga, Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Dalka.

IMG_7869

Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri “Aqoonsiga dowladda Soomaaliya la aqoonsaday maanta waxaanu ku helnay taakulayn Bankiga Aduunka, Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Horumarinta Afrika. Waxaanu Saxiixnay ayuu yiri madaxweynuhu Heshiiskii Cotonou. Soomaaliyana horay ayey u socotaa gadaalna eegi mayno”

Ugu danbeyn maalinta berri ah ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qudbad ka jeedin doonaa xarunta weyn ee Qaramadda Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here