MW Xasan shiikh oo Addis kula kulmaya John Kerry

kery iyo xasanWar kasoo baxay wasaarada Arimaha dibada Mareeykanka, ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Xasan Shiikh uu magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmi doono Xoghayaha Arimaha dibada Mareeykanka John Kerry.

John Kerry, oo hada booqasho ku jooga dalka Itoobiya,ayaa la filayaa in Madaxweyne Xasan ay ka wada hadlaan Xaaladihi ugu danbeeyay ee Dalka Soomaaliya.

Mareeykanka ayaa taageero xoogan siiya DF, iyadoo uu ka taageero dhanka la dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo dib u dhiska Ciidamada.

Sidoo kale Mareeykanku wuxuu dhaqaalo xoogan ku bixiyaa Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

1 COMMENT

  1. Madaxweynaha ha kala hadlo mr kerry in Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Dalka Mareykanka laga daayo dhib ka ay dowladda mareykanka ku heyso gaar ahaan in si qaldan loo isticmaalo Social networks ka, sida; facebook,apple,microsoft iyo twiter. oo dhamaantood isku bedelay waxa loo yaqaan survillance. ama in dadka shaqadda ku leh shirkadahaan ay si joogto u xadaan xogta ama aqbaaraadka Macmaashooda sida oo ay ka mid yihiin Soomaalida…kadibna ka gadataan social meediyaha sida bbc,sky, gurdian,dailymail,washignton post iwm.. Dad aad u tiro badan ayaa si joogto ah loo xadaa sawiradooda, iyo weliba aqbaaraadka ay la wadaagaan qoysaskooda ku nool daafaha caalamka, iyadoo ay dowladda mareykanka ka dhiganeyso mar mariso inay ilaalineyso amnigeeda,laakiin ay iska indho tireyso Qaladaadka joogtada ah iyo ku tumashada xuquuqda asaasisga ah ee muwadininta Soomalida ah ee ku dhaqan Carigan Mareykanka…waxa ay dad badani is weydiinayaan maxaa shirkadahani ka dhigay kuwo dabacasan, in si qaldan loo isticmaalo…

    Dowladad Soomaliya ha kala hadasho Dowladda Mareykanka in Arimaahasi la soo afjaro..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here