MW Xasan oo Imaaraadka u ogolaaday ineey ciidamo ka qortaan Soomaaliya

M/weyne Xasan & dhaxal sugaha Imaaraadka oo kulmay
M/weyne Xasan & dhaxal sugaha Imaaraadka oo kulmay

Diblomaasi Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu Imaaraadka u ogolaaday ineey ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ka qortaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ka barbar dagaalami doona xulufada uu Sacuudiga hogaaminayo ee dagaalka ka wada Yeman.

Diblomaasigaan oo diiday in magaciisa la xuso islamarkaasina u safray Nairobi si uu Caalamka ugu soo bandhigo xaqiiqada jirta, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska The-Star, ayaa sheegay inuu haayo macluumaad sir ah oo ku saabsan heshiis dhex maray M/weynaha Soomaaliya iyo Doowlada Imaaraadka.

“Waxaan rabaa inaan Caalamka u sheego waxa dhacaayo iyo xaqiiqada jirta, xili ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay dagaal kula jiraan Al-shabaab, ayaa M/weynaha Soomaaliya waxa uu Imaaraadka lasoo galay heshiis ku aadan in gudaha Soomaliya ay ka qortaan ciidamo ka dagaalama Yeman” ayuu yiri Diblomaasigaan.

Diblomaasigaan oo asigoo ku sugan Hotel ku yaala Nairobi wareysi siinayay The-Star, ayaa sidoo kale sheegay in hada Imaaraadka ay tababar u bilaabeen ciidamo Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 500, kuwaasoo lagu wado ineey ka bar bar dagaalamaan xulufada Khaliijka ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yeman.

“Maxay tahay sababta ciidamo loogu diraayo Yeman iyadoo amaankii dalka uu xunyahay dhibaatooyin badana ay jiraan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Soomaaliya oo mudo kabadan 24 sano dagaalo ka jireen, ayaa hada waxaa ku sugan ciidamo Afrikaan ah, kuwaasoo ku jooga magaca Nabad ilaalinta (AMISOM), kuwaasoo ilaaliya dhamaan Hay’adaha Doowlada lana dagaalama Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here