MW oo ka qeyb galay Xaflad Arday ka Qalin jabisay Jaamacada SIMAD+Sawiro

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad Qalin jebin ah. halkaasna ka jeediyay qudbad dhiiri gelisay shacabka ku sugnaa goobtaas.

IMG_8617

Qudabadiisa ayuu Madaxweynaha wuxuu ku yiri” Anigu maanta aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka dhanka wax barashadda. Dowladdana wey ka go’antahay in ay taageerto waxbarashadda Soomaaliya, iyo tacliinta sare.”

Madaxweynaha oo qudabdiisa kula hadlayay ku dhawaad 1000 arday oo ka qalin jebinaysay jaamacadda SIMAD waxa uu yiri” Walaalayaal, dalalka hormaray waxey ku hor-mareen wax barashadda oo ay hor mariyeen. Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabineyso jaamacadaha dalka waxey tusaale u tahay jiil cusub oo Soomaali ah waxeyna kaalin mug leh ka qaadan doonan wax qabadka arrimaha bulshada iyo kan ganacsiga gaarka ah.”

Dalka iyo dadkaba waxey u baahan yihiin jiilkiina oo kale. Jiil fahamsan aduunka cusub oo ku dhisan xog iyo technolojiyadda. Shacabka Soomaaliyeed wey ku soo daaleen dagaal. Ummada Soomaaliya waxey idinka sugeysaa in ay ku nacfiyan aqoontiina”

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan sh. Maxamuud waxoo u tahniyadeeyay ardaydii qalin jabineysay iyo ehelkooda.

IMG_8518 IMG_8519 IMG_8527 IMG_8535 IMG_8543 IMG_8547 IMG_8554 IMG_8594 IMG_8617 IMG_8622 IMG_8632 IMG_8638 IMG_8660 IMG_8803

—-DHAMAAD—–

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here