Wararkii ugu danbeeyay xaalada baydhabo

640x427xXasan-Jawaari.jpg.pagespeed.ic_.3xeVamVE06M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, ayaa ku sugan magaalada Baydhabo oo ay xalay ku hoydeen, safar qeyb ka ah dadaal ay doowladu ku dooneyso in xal loogu helo xiisad siyaasadeed iyo rabshado maalmihii ugu danbeeyay ka jiray magaalada Baydhabo, oo laba maamul oo iska soo horjeeda looga dhawaaqay.

M/weynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, ayaa xaloo dhan kulamo gaar gaar ah waxay la lahaayeen Odayaasha iyo waxgaradka Baydhabo, iyagoona kala hadlayay sida lagu dajin karo xaalada magaalada Baydhabooo mudooyinkii ugu danbeeyay ahayd mid cakiran.

Ilaa hada majirto cid xaqiijinaysa natiijada kulamadaasi, hayeeshe waxaa xusid mudan inaysan muuqan guulo waaweyn oo laga gaaray Kulamada xalay ay la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka.

Xiisada siyaasadeed ee ku qotonta Magaalada Baydhabo ayaa ah mid ku aadan Maamul Gobaleed, iyadoo kooxo siyaasadeed ay halkaasi kaga dhawaaqeen labo maamul oo kala duwan, taasi oo keentay in xiisada Baydhabo ay cirka gasho.

Ilaa hada dhinaca maamulka lixda Gobol masuliyiintooda kulan lama aysan qaadan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, lamina oga sababta .

Arimaha ka taagan Magaalada Baydhabo ayaa umuuqata tii horay uga dhacday magaalada Kismaayo ee Dowladda Soomaaliya ay ku jahwareertay, inkastoo markii dambe xalka uu noqday in saddex Gobol Axmed Madoobe Madax looga dhigo.

Kooxda Siyaasadeed ee Madoobe Nuunoow, waxa ay doonayaan inay hogaan unoqdaan Maamulka lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya oo uu soo hoosgalayo, sadexda Gobol ee Axmed Madoobe madaxda uu ka yahay, halka koox kale oo madaxweyne dooratay ay doonayaan inay qabtaan hogaanka saddex Gobol, iyadoo maamulka Shabeele State la magacbaxayna uu halkiisa yahay.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka ay kulamo la qaataan kooxaha Siyaasada ee Baydhabo ku sugan.

Marka loo eego taageerada ay shacabka ka kala helayaan labada dhinac, waxaa badan taageerada Maamulka lixda Gobol uu Baydhabo ka haysto, inkastoo aan la ogeyn sida uu ku socon doono maamulkaasi.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arimaha gudaha, waxa ay horay usheegtay inay aqoonsan tahay maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

1 COMMENT

  1. waxaa ah wax aad looga xumaado in baydhabo oo ah meel lagu yaqaano dadka degan dad aad isu jecel baydhabana u jecel aduunka oo dhan in maanta ay taagan yihiin in ay heshiin waayaan ma aqaan meesha dhibku ka yimid laakiin waxey iila muuqataa in dhibkaani uu keenay fedraalka nagu cusub ee aanuu shacabkeenu waxba ka aqoonin dowladuna aanay isku howlin in eey shacabka fahamsiiso sababtoo ah waa xaq in shacabka la fahamsiiyo fadraalka iyo sharciyadiisa shacab aanan aqoon waxa lagu xukumaayo siduu u dhowraa sharciga
    dowlada dadaalkay wado allaha ka dhigo mid miro dhalo allahana ku garabgalo
    waxaan xasuustaa berisamaadkii mar aan yaraa ayaan anagoo dhowr gabdhood ah waxaan isweydiinay qofwalba meesha oow wadanka ugu jecelyahay gabar gabdhaha ka mida ah ayaa waxay ahayd reer beydhabo waxeeey ku jawaabtay aduunkana baydhabo janaay aakhirana jano marka reer baydhabo waa dad wadaniyiin ah ee inta laysu kaashado si daacada haloo heshiisiiyo dowlada kaliyana yaanan waxkasta looga tegin ee waa in indheergaradku is xilsaaraan waxaa kaloo nasiib daro ah in aanan la arag doorki ay culumadu lahaan jireen marki is afgaradwaa dhaco yaa allaah maxaa helay culumadi soomaaliyeed maxey waajibki saarnaa u dayaceen
    waxaa fiicnaan lahaa in la sameeyo gudi laga soo xulo ummadda soomaaliyeed oo isku darsada daacadnimo iyo wadan jeceyl oo marka ay dhibaato dhacdaba dowlada garab istaaga
    illaaheey heshiis aan ku faraxno ha dhexdhigo walaalaheena baydhabo aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here