Muxuu yahay qorshaha ay ciidamada Itoobiya u tageen Kismaayo?

Ciidamada Itoobiya oo gaaray Kismaayo
Ciidamada Itoobiya oo gaaray Kismaayo

Ciidamada Itoobiya ee 2 maalin kahor gaaray magaalada Kismaayo, ayaa Khilaaf xoogan ka dhex abuuray DF iyo maamulka Jubbaland.

Warar hoose ayaa sheegaya in tegitaanka ciidamada Itoobiya ee Kismaayo, ay DF tuhun ka qabto in tagitaanka deg deg ah ee Ciidamada Ethiopia ay gaareen Magaalada Kismaayo ay tahay fulinta qorsheyaal ay wax iskagaga ogyihiin Axmed Madoobe iyo Ethiopia oo aan lala socodsiin DF Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya oo gaaray Kismaayo
Ciidamada Itoobiya oo gaaray Kismaayo

Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud ayaa hormuud ah Madaxda DF Soomaaliya ee is hordhigay in Saraakiisha Ethiopia ee Kismayao gaaray ay hordhac u yihiin muquuninta natiijooyinka kasoo bixi kara  Shirka Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka J/Hoose, wuxuuna Madaxwaynuhu Xirooro  kala duwan la sameeyey Taliyeyaasha Ciidamada iyo Wasaarada Gaashaandhiga dalka, isaga oo sheegay in la hakiyo tagi taanka Ciidaamda Ethiopia ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Itoobiya oo gaaray Kismaayo
Ciidamada Itoobiya oo gaaray Kismaayo

Sida la ogyahay tagitaanka Ciidamada Ethiopia ee Magaalada Kismaayo,waxay timid Xili Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland uu Magaalada Adis abab Socdaal kaga soo laabtay, Waxayna arintaas dhalisay tuhun wayn oo Madaxda DF Soomaaliya iyo Madaxwayneyaasha labada Maamul Goboleed Galmudug iyo K/Galbeed Soomaaliya galay.

Ciidamada Itoobiya oo gaaray Kismaayo
Ciidamada Itoobiya oo gaaray Kismaayo

Arintan oo xasaasiyadan abuurtay ayaa Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee dalka Jooga  wax laga waydiiyey, Waxayna Wasiirka Gaashaandhiga DF Soomaaliya u sheegeen Saraakiishu in qorshaha ay Ciidamada AMISOM Ethiopia ku tageen Magaalada Kismaayo uuna ahayn mid cad, Amisom ayna wali ka gaarin wax go’aan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here