Muxuu yahay Buuga uu gacanta Bidix ku wato Obama?

Mid kamid ah Wariyayaasha jariirada New York Times “Mikel Molnar” ayaa soo bandhigay sawir u muuqday mid meel fog laga qaaday, kaasoo muujinaya madaxweyne Obama oo gacanta bixid ku haysta Buug dood ka dhax dhaliyay shacabka Mareeykanka.

Ciwaanka buugaan ayaa ah “dhamaadka Mareeykanka kadib” Buugaan ayaa qeexaya in Mareeykanka uu mardhow bur buri doono Siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo Milatari ahaanba, waxaana uu qorayaa in ay badali doonto doowlad Islaami ah oo kasoo if baxda Bariga dhexe islamarkaasna bur burin doonta Mareeykanka iyo Srael.

Buugaan, ayaa si waaqici ah u qoraya in dhamaanshaha Mareeykanka iyo Srael uu soo dhowyahay, islamarkaasna doowlad Islaami ah oo xoogan Bariga dhexe kasoo ifbixi doonto.

Sida uu qeexay qoraaga Buugaan, Obama ayaa doonaya inuu ogaado dhamaansha Mareeykanka.

Qoraaga Buugaan oo ah nin Islaam ah, ayaa lagu magacaabaa “Fariid Rafiiq” waxaana asal ahaan uu kasoo jeeda dalka India, waana tifatiraha jaraa’idka News Week.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here