Muxuu Sami Khedira ka yiri kulanka Bayern?

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka Jarmalka Sami Khedira ayaa meesha ka saaray in sadaal laga bixin karo kulanka wareega 16-aad Champion-ka ee Talaadada dhex mari doono kooxaha Juventus iyo Bayern Munich.

Sami Khedira wuxuu yiri “Bayern Munich waxay ka mid yihiin kooxaha ugu wanaagsan caalamka, sidoo kalena xidigo badan oo tayo wanaagsan ayay heestaan”
Sami Khedira oo la hadlaayay wargeska The Bild ee dalka Jarmalka kasoo baxo ayaa hadalkiisa sii watay wuxuuna yiri “Dadka qaar waxay leeyihiin Bayern ayaa ah naadiga loo sadaalinayo inay wareega 8-aad u gudubto, balse Juventus marwalbo diyaar ayay u tahay in kulan sidaan u adag oo kale bandhig wacan ka sameeyaan”

“Aniga ahaan waxaan dhihi lahaa ma jirto naadi si gaar ah loogu sadaalin karo inay soo bixi doonto kulanka Juve iyo Bayern dhex mari doono”

“Halkaan waxaan u joogaa inaan xasilooni ka dhaliyo khadka dhexe ee Bianconeri waana ku faraxsanahay in taageerayaasha reer Turin ay fahmeyn doorka aan kooxda ku leeyahay”

Juve iyo Bayern xidigo badan ayaa labada dhinac dhaawac ka ah balse labada daafac ee naadiyadan ugu muhiimsan Giorgio Chiellini iyo Jerome Boateng wuxuuna Khedira aaminsan yahay in maqnaan shaha Boateng Bayern Munich dhaawac weyn ku tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here