Muxuu salka ku haayaa Khilaafka soo kala dhex galay wasiiru D. Maaliyada & Madaxweynaha?

Khilaaf soo kala dhex galay wasiiru doowlaha Maaliyada iyo Madaxweynaha
Khilaaf soo kala dhex galay wasiiru doowlaha Maaliyada iyo Madaxweynaha

Sidda Warar hoose aan ku helayno , Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud kujiro wakhtiyadiisi ugu dambeeyay ee Xafiiska Ayaa waxa uu wadaa qorshooyin ah sidii uu mar kale kusoo noqon lahaa , Madaxweynaha oo haysto marka loo fiiriyo musharixiinta kale taagero badan ayaa waxa muuqato in ay soo baxeyso khilaafyo hor leh kala kulmaayo siyaasiinta ay isku garabka yihiin.

Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Maaliyada Ee Xukuumadda Mudane C/laahi Maxamed Nuur oo ahaa nin aan laga badalin booskan Saddexdii Xukuumadd ee is badalay ayaa waxa ay isku dhaceyn madaxweynaha taas dhalisay in ay labo garab noqdaan , Madaxweynaha ayaa weyn doono boos weyn ku aadan dhanka Maaliyadda ee inta ka dhiman Dowladdan .

Isku Dhaca Labadda Siyaasi ayaa Salka Ku Hayso Shirka Jowhar oo ay ku kala qeyb sameyn, Beesha Wasiirka oo kulan la qaadatay Madaxweynaha oo ku aadan siyaasadda Shirka Jowhar ayaa lagu kala qeyb samey iyaddo Madaxweynaha Soomaaliya uu la rabo xilka Maamulka Hiiran & Sh Dhexe C/qaadir Cali Cosoble halka Beesha Wasiirka ay ka biyo diideyn arintan uu madaxweynaha lasoo shir tagay .

Intas kadib Wasiiru-Dowlaha ayaa ka go’ay siyaasadii madaxweynaha isla markasna hadda uu rabo inuu fashiliyo in C/qaadir Cosoble uu madaxweyne ka noqdo Maamulka Hiiraan & Sh Dhexe , isagoo Madaxweynihii ay 3-sano isku Siyaasadda ahaayen uu hadda kasoo horjeystay.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Ayaa arintan isku dayay inuu si hoose u xaliyo madaama saaxiibo dhow uu la yahay labadda siyaasi isla markaasna ay yihiin niman isku siyaasadd ahaa muddo , balse Faarax Sheekh ayaa ku guuleysan waayay taas iyaddo hadda uu wasiiru-Dowlaha wado qorsho ah inuu isku sharaxo xilka Madaxweynanimada Soomaaliya taas caqabad kale ku ah Dhamaca Madaxweynaha ah in mar kale uu Madaxweyne kasii noqdo Dalka.

Waa kuma Cabdulaahi Maxamed Nuur?

C/laahi Ayaa Sidoo kale Ah Ganacsade , waxna ka leh Hotel-ka City Palaxe ku yaalo Magaalada Muqdisho , waxa uuna ahaa nin Dhawr culus ku lahaa Siyaasada Madaxweynaha ee Dhanka Maaliyadda iyo waliba dhanka maamul goboleedyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here