Muxu ku dhamaaday kulanki Man Utd iyo Arsenal?

Kooxda Arsenal ayaa ku dhacday in ay ka aar goosato Manchester United oo ay maanta ku marti gelisay garoonkeeda Emirates iyadoo la xasuusto in sanadki hore lagu cunay 8-2.

United oo ay ka go,neyd in ay badiso si ay ugu dhawaato kooxda City ayaa goolka la hor martay waxaana siiyey Antonio Valencia, hase yeeshee waxaa baabi,iyey Robin Van Persie oo bareejeeyey.

Ciyaarta oo ahyed mid isku dheeli tirneyd ayaa waxaa go,aan ka gaaray dhamaadki kulanka  weeraryahanka United Danny Welbeck kaasi oo dhaliyey goolka guusha ee ay ku baxday Arsenal si ay sadex buundo ugu soo jirsato United kooxda uu xafiiltanka kala dhaxeeyo ee Manchester City.

Natiijadaasi waxay suura gelisay in Arsenal ay iska joogto booskeedi shanaad waana kulanki sadexaad oo xiriir ah oo ay kala kulmeyso horyaalka.

Arsene Wenger ayaa maanta soo safay ciyaaryahanka cusub Alex Oxlade-Chamberlain isaga oo ka doorbiday wiilkaan 18 jirka ah ciyaaryahan Andrey Arshavin, sidoo kale waxaa safnaa Tomas Rosicky oo badalay Mikel Arteta.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.