Muwaadiniinta Mareykanka oo looga digay dalalka Afirca iyo Bariga Dhexe

Dowlada Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniinteeda in ay sii joogaan ama ay u socdaalaan dalalka iyo gobolada aanan xasilooneyn ee caalamka.

Xafiiska Latashiga Arrimaha gudaha ee waaxda Arrimaha Dibada ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya in shabakadaha argagixisada ay qorsheynayaan sidi ay u weerari lahaayeen dadka Mareykanka ah ha joogeen gudaha ama dibada.

Meelaha sida gaarka ah warbixintu u tilmaameyso waxaa ka mid ah gobolo ka mid ah Bariga Dhexe iyo Africa oo ah halka ugu badan ee ay ka howlgalaan Al Qacida.

Waxaa si gaar ah muwaadiniinta Mareykanka loogula taliyey in aysan u safrin dalalka Yemen, Algeria, Kenya iyo Somalia.

Ugu danbeyntiina waxa warbixintu leedahay waxaa xitaa suura gal ah in lagu beegsado muwiidiniinta Mareykanka dalalka ku yaala Bariga Qaarada Yurub.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here