Muwaadin u dhashay dalka Yemen oo maxkamada Garowe ku xukuntay dil

Muwaadin u dhashay dalka Yemen oo lagu helay dambi ah inuu doonayay in uu soo galiyo hub gudaha deegaano kamid ah Puntland.Saalax Casiisi

Maxkamada ayaa waxaa markii ay dhagaysatay dacwada lagu soo oogay eedeysanaha u dhashay dalka Yemen ee lagu magacaabo Saalax Casiisi ee ahaa in uu hub noocyo kala duwan ah u gudbinayay maleeshiyo taabacsan ururka Alshabaab.

Muwaadinkan u dhashay dalka Yemen ayaa waxaa ay dadkii daafacayay ay ku doodeen inuusan lug ku lahayn hubkii saarnaa doonta uuna ahaa oo kaliya shaqaale ka mid ah doonta.

Xukunkan dilka ah ee ay maxkamadu ku xukuntay muwaadinkan u dhashay dalka Yemen ayaan la ogeyn inay dowlad goboleedka Puntland ku dhaqaaqi doonto.

Hase yeeshee dowlada Yemen ayaa waxaa ay hore ugu dishey dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasoo lala xiriirinayay inay xiriir la leeyihin ururka Alqaacida.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here