Muwaadin Turki ah oo Muqdisho lagu dilay

untitledMagaalada Muqdisho, dabley hubeysan oo gaari la socday ayaa rasaas ku fureen muwaaddin u dhashay dalka Turkiga oo ka soo baxay salaaddii Jimcaha masjidka Cabdullaahi Ciise ee degmada Hodan.

Rasaasta ay dableydu furtay waxa ku dhaawacay muwaaddinka Turkiga oo ah qandaraasle la shaqeeya hay’adda samafalka ee dalka Turkiga ee loo yaqaan IHH.

Dhaawaca ninkan Turkiga ah waxaa isla markiiba loo qaaday Isbitaalka Soomaaliya-Turkiya ee horey loo oran jiray Digfeer oo ku dhaw halka uu weerarku ka dhacay.

Weerarka ay dableydu qaadday waxa sidoo kale ku dhintay gabar yar oo saddex sano jir ahayd oo ku nooleyd xero barakacayaal oo ku dhaw halka weerarku ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay weerarka ninka Turkiga ah lagu dhaawacay iyo cid loo soo xiray toona illaa hadda.

Xigasho: BBC 

1 COMMENT

  1. Dadka ka dambeey dilalka qorsheysan = Waa kuwa wax ma garato ah, una adeegaya Cadowga umadda Soomaliyeed oo aan shacabka Soomayeed la rabin wax wanaag & Horumar ah.

    Kuwa waxma garatadda ah ee geysta Dilalka Qorsheysan….weli ma fahmin fool xumadda & cawaaqib xumadda ay leedahay dilka la dilo qof muslim ah ee aan waxba galabsan… Waa Arin Fool Xumo ah oo Alle Swt laga Managelyo, Daadinta Dhiigga Qofka Muslimka ah…
    Allow hanuuni oo fahamsii wadada saxda ah & Fahamka Wanaagsan ee nolosha…
    Muqdisho waxay u bahan tahay, in hubka sharci daradda ah ee ku jira gacanta Dambiilayasha laga…..

    Alle umadda soomaaliyeed ha siiyo Nabadgelyo & Xasilooni ay dalkooda uGu noolaadaan. Aamiin ya rabi

    Waxa ay tani u siyaasineysaa shacabka Sooomaaliyeed geesinimo dheeri ah & ineysan Aqbalin falalka Guracan ee lagu bartilmaameedsado shacabka Soomaaliyeed. Waana laga guuleysanaya Dambiilayaasha Waqti Dhow iinsha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here