Muwaadin Soomaali ah oo guul ka keenay doorashooyinka golayaasha Maraykanka

Sida ay baahiyeen maanta oo Arbaca ah, Warbaahinta Maraykanka, Cabdi Warsame oo ah mid ka mid ah Soomaalidii ka tartamaysay doorashooyinka gobolka Minnesota ayaa ku guuleystay xilka Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, gaar ahaan degmada 6aad.

Waxa uu helay Mr. Warsame 3090 cod ,waxa uuna ka badiyay Robert Llligren oo ahaa nin cadaan ah,isla markaana horey xilkaasi u haayay waxa uuna helay codad 1557.

Waxaa dabaal degyo uu ka bilowday Minneapolis,kadib markii lagu dhawaaqay natiijada codeynta,iyadoo xaruntii loogu ololeenayay Cabdi Warsame ay soo buuxdhaafiyeen taageerayaashiisa oo aad u qiireysnaa

Abdi Warsame

Shacabka degan deegaankaasi oo ka hadlay dareenkooda ayaa sheegay in Cabdi Warsame ay ka filayeen in uu noqdo mid wax badan ka bedela dhiibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool halkaasi.

Waxa ay noqonaysaa guusha Cabdi Warsame shaqsigii ugu horeeyay oo madaw ah gaar ahaan Soomali ah oo xil ka qabta dalka Mareykanka.

Hadabba akhristayaal waxaa la wereystay muwaadinkan Soomaaliga ee guuleestay, wuxuuna u warramaya VOA-da

Halkaan ka dhagayso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here