Muungaab iyo Kay oo Muqdisho ku kulmay

Muungaab iyo Kay oo Muqdisho ku kulmay
Muungaab iyo Kay oo Muqdisho ku kulmay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta maamulka gobolka ee degmada Heliwaa.

Danjire Kay waxaa xarunta gobolka ku soo dhoweeyay guddoomiyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Muungaab iyo Kay ayaa sidoo kale qaatay kulan gaar ah oo ay ku yeesheen xarunta cusub ee maamulka gobolka Banaadir ee degmada Heliwaa.

Muungaab ayaa saxaafadda u sheegay inay ka wada-hadleen Kay sidii loo tayayn lahaa ciidamada hoos-taga maamulka gobolka iyo kaalinta ay beesha caalamka ka geysan karto dib u dhiska caasimadda dalka.

Danjire Kay ayaa u hambalyeeyay duqa magaalada Muqdisho iyo guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here