MUSUQMAASUQ AMA LAALUUSH WAA CUDUR AAN DAAWO LAHAYN

Geesigii Maxamed Cabdulle Xasan “Sayyidka” oo halgan ku xeel dheeraa, gabayadana ku caan baxay ayaan maqlay in uu yiri: “Musuqmaasuq Soomaali waa Meheredoodii, Kolba Midab ayay kula Imaan Maalin iyo Leel…”

Sayyidka waxuu geeriyooday sannadka markuu ahaa 1920 kaddib markuu la dagaalamay muddo labaatan sano isticmaarka. Waxaa la yiraahdaa: “Soomaalida Been waa Sheegtaa, Laakin Been kuma Maahmaado.”

Sannadka markuu ahaa 1943, Xamar waxaa laga aasaasay xisbiga SYC (Somali Youth Club) oo markii dambe magaciisa loo beddelay SYL (Somali Youth League). Xisbigaas mabaa’diisa waxay ahaayeen labo:

a) In la diido gumeysigii Taliyaaniga in uu dalka dib ugu soo laabto;

b) In la helo midnimada dhulalka Soomaaliyeed oo gacmaha shisheeye ku jiren.

Sannadka markuu ahaa 1948 bishii Jannaayo 11dii bannaan bixii lagu diidanaa soo noqoshgada Taliyaniga waxaa ku dhimatay gabar la yiraahdo Xaawo Taako, oo sida aan filaahyo taariikhda lagu wada maqlay ama ay weli noolyihiinba qaar ka mid ah dadkii markaas joogay. Bishii Oktoobar 5da ee sannadka 1949 bannaan baxii ku magac baxay Dhagaxtuur waxaa ku dhintay dad fara badan oo ka mudaaharayi war ku saabsanaa in Taliyaani dib loogu soo celinaayo dalka.

Bishii Nofember 21da ee 1949 Qaramada Midoobay waxay go’aamisay in Taliyaanigii ay Leegada iyo ummadda Soomaaliyeed, min Xamar ilaa Xarar, ay diidaayeen in uu noqdo Xaakimka gobolkii uu horey u

gumeysan jiray oo markaas la geliyay Wasaayadda Qaramada Midoobay (UN Trusteeship).

Go’aankaas markuu soo baxay ayaa Leegadii oo mawqifkeeda ahaa sida aan xagga hore ugu soo sheegay, ayaa koox ka mid ahaa isla xibsiga oo Taliyaaniga heshiis hosaad ah la galay, iyagoo loo ballan qaaday in jagooyin Wasiirnimo iyo wax kale la siinaayo. Halkaas ayay mabaadiidii Leegada ku burburtay xisbigiina laba u kala jabtay.

Musuqmaasugii markaas soo bilawday waxuu soo dhexgalay dawladnimadii la qaatay 1dii July 1960 ilaa sharaftii iyo haybadii ka aasmeen oo dalkana loo bixiyay magaca “Qabrigii Deynta Shisheeye.” Bishii Oktober 15dii 1969, Allah ha u naxriistee, waxaa la dilay Madaxweynii dalka, Dr. Cabdirashid Cali Shermarke.

Kulankii ay Leegada ama SYL rabtay in ay ku doorato ninkii ku fadhiisan lahaa kursigii uu ka tagay Dr. marxuum Cabdirashid gorgortankii ka dhacaayay leegada gudaheeda waxaa lagu tilmaamay sida suuqa xoolaha oo kale oo ganacsiga codka xubnaha xisbiga ee Baarlamaanka iyo dawladda gor-gortan xoog leh dhexmaraayay. Laaluushka ama “corruption”ka halkii qof codkiisa waxuu gaaray habeenkaas 100.000 Shilling Soomaali.

Waxaa is weydiin leh, Madaxweynehii lagu doorto “Cod” ama “Vote” ay Dawladda laaluush ku gadatay iyo Xubin Baarlamaan oo laaluush ku qaatay codkiisa Madadweynehii ka soo baxa, xalaal ma noqon karaa?

Habeenkaas, sida la sheegay, oo ay dawladda iyo xubnaha Baarlamaanka ee xisbiga Legada ku gor-gortamaayeen xarunta dhexe ee SYL, in goobtaas ay joogeen saraakiil sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo arkaayi ama maqlaayi waxa halkaas ka socday.

Subaxnimadii la rabay in Baarlamaanka kulmo si loo doorto Madaxweyne cusub, ayaa Ciidamada Qalabka Sida, dawladdii jirtay ku af-gambisay kacaankii loo bixiyay “Kacaan aan Dhiig ku Daadan” ama “Revoluzione senza spargimento di sangue”, 21kii Oktober 1969.

Kacaanka waqtigiisa hore, madaama xamaasad weyn jirtay in lala dagaalamo musuqmaasuqa iyo laaluushka, dawladda kacaanka waxay

sheegtay in labadaba la “aasay”. Hase yeeshee, waqti ka bacdi, dib ayay ugu soo laabteen halkoodii iyagoo weliba xididdo kuwii hore ka sii adag leh ilaa ay dawladdii kacaanka lafteeda la degaan.

Sida lagu soo qoray warbixin ay soo saartay hay’adda la yiraahdo Transprency Inrternational, Soomaaliya musuqmaasuq nimada waxay ka gashay heerka kowaad ee adduunweynaha.

Maanta waxaa la maraayaa sidii lixdameydii oo kale oo si loo helo kursiga madaxweyneha musuqmaasuq iyo laaluush fara badan la isla dhexmaraayo murashaxiintii iyo xubanaha Baarlamaanka dhexdooda. Wax qarsoon ama wax laga xishoonaayo aan jirin.

Wakiilka wakaaladda wararka ee AP (Associated Press), Jason Straziuso, oo Nairobi ku sugan, waxuu qoray bisha July 14, 2012 in “madaxda adduunka, min Afrika ilaa America iyo Yurub ay leeyihiin in walwal ku saabsan “hadidaad” iyo “musuqmaasuq” ay wax yeloohaayaan xulkii xubnaha baarlamaanka Soomaaliiyeed oo ah hawl aan weli dhammaanin iyadoo waqtigii ay Qaramada Midoobay qabsatay wax toddobaad ka yar ka haray.”

Wakiilka AP waxuu warkiisa ku daray in Safaaradda Maraykanka ay ku sheegtay war-saxaafadeed “in ay la qabto Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay walwalka ku aadan in ay ka jiraan ‘warbixinno badan oo la rumeysan karo oo ka hadlaayo handidaad iyo musuqmaasuq’ xulidda 275 xubnaha cusub ee Baarlamaanka dalka.”

Madax meel ka sareyso haddiis jirin madaxda Midowga Afrika iyo kuwa Qaramada Midoobay iyo Maraykanka cid ka sareyso ma jiri karaa? Haddii ay intooda isku raaceen iyo waxii kale meelahaas laga shee-sheegaayay, madaxweynehii ka soo baxo doorashada maalmo gudahooda la qaban doono, waxii ay noqon doono Ilahay ayaa yaqaan.

Qof kursigiisa lacag ku gatay cidna – dad ama dal – ixsaan ugama haayo. Xubinkii Baarlamaanka haddeer cusub oo intaan la buun-buuninaayay in uu ahaado qof nadiif ka ah waxyaalaha dalka la degay, ayaa laga sugaayaa in uu noqdo kii wax saxi lahaa oo uusan noqon, sida maahmaahda tiraahdo: “Qofkii qof jiis ah la saaxiibo, asigana jiis ayuu

noqonaa.” Haddii ay taas dhacdo, Soomaaliya waxba keydka uguma harin. Musuqmaasuq ama laaluush waa sheyga dalka iyo mujtamaca wax yeeleeya.

Sannadihii dambe ee 1970dii Madaxweynahii hore ee Tanzania, Julius Nyerere, waxuu go’aamiyay in Soomaalida laga saaro dalkiisa, asigoo ku eedeeyay in dalka Tanzania ay ku beereen musuqmaasuq iyo laaluush. Nyerere waxaa laga sheegay in uu yiri “Soomaalida waxay nagu sameeyeen, isticmaarkana naguma sameynin.”

Safaaradda waxaa qasab ku noqotay in ay dawladda Soomaaliya warsato in ay keento dayaarad gaar ah oo duulimaad badan gasha si dadkaas dib loogu celiyo Soomaaliya.

Dawladdii rayidka ahayd ee 1960dii, markay Baarlamaanka sharci keensato xubhana waxay siin jirtay, kolba sida ay u kala sareyso ahmiyadda sharciga ay rabto in loo gudbiyo; laaluush lacag cadaan ah ama shatiga keenida iyo dhoofinta alaabta (Import/Export Licence) oo iyagana ka sii iibin jireyn ganacasata ajanibta ah oo dukaamada ku laahay dalka gudahiisa si alaab dibadaha uga keensadaan.

Soomaalida musuqmaasuq iyo laaluush midkoodna wax weyn uma yaqaaniin. Magac gaar ah ayaa loo bixiyay oo ah “Hawl Fududeyn”.

Maanta dadka la isku halaynaayo in ay xaalada wax ka beddelaan waa xubnaha cusub oo aqoonta leh oo dhaqaale ahaanna dhaamaan kuwa dalka gudahiisa ka soo galay Baarlamaanka. Waa dadka laga rabo in ay ka xishoosiiyaan kuwa laaluusha bixiya oo ay diidaan marka loola yimaado arrimaha noocaas.

Sida la isaga ilaaliyo waxay ku xiran tahay damiirka qofka, maxaa yeelay musuqmaasuqa iyo laaluushka faqiir iyo maal qabeen ma u kala baxsana. Faqiirka dhakhligiisa yaryahay, haddii kharajkiisa ka badan yahay inta soo gasho, si baahidiisa u daboolo waa ku qasban yahay in uu ilo kale wax ka jarsado.

Maal-qabeen oo aan iimaan lahayn, haduu million haysto waxuu u malaynaayaa in aan ku filneen. Markuu wax badan heloba siyaado ayuu sii rabaa.

Barlamaanka dadka cusub soo galay rajada laga qabo waxay talay in aay shacabka tusaan wax yar oo is beddel oo dhanka wanaagga ah marka ay hawshooda galaan. Idinka ayaa ah ilaaladii danaha guud ee dalka iyo dadka.

Laaluushka ama musuqmaasuqa waxay iibsanaayan dadnimada qofka ama damiirkiisa iyo awooddiisa. Waa cudur si xun ugu faafaaya dalkeenna. Haddii aan wax laga qaban, lixdameydii oo nagula tilmaamay “Qabrigii Deynta Shisheeye” ayaa dahab noqon doona, maxaa yeelay, sida ay wax u socdaan, waxaan noqondoonaa “Qabrigii Dalka.” Wax badan ayaa dhacay waqtiyahaan dambe, wax kalena waa soo socdaan.

Waxaa qoray ,Maxamed Cusman Cumar

“Soomaaliyey Toosooy…

Wa billaahi at Towfiiq.

————————————————————————————–

MAXAMED CUSMAN CUMAR, Danjire (Hawlgab). Waxuu qoray dhowr book oo ay ka mid yihiin, The Road to Zero – Somalia’s Self-Destruction iyo The Scramble in the Horn of Africa.

Email: mohd.osman75@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here