Mustaqbalkii Costa ee Chelsea oo soo dhamaaday

Mustaqbalka Costa ayaa waxaa ku jiray shaki weyn xilli ciyaareedkii 2016 illaa 2017 oo dhan sababtoo ah kooxda ka ciyaarta horyaalka Chinese Super League ee Tianjin Quanjian iyo kooxdiisii hore ee Atletico Madrid  ayaa xiiso joogto ah u muujinayey xiddigaan.

Wixii intaas ka dambeeyey Costa wuxuu daaha ka qaaday inuu doonayo inuu u dhaqaaqo horyaalka Shiinaha halkaasoo mushaar waalli ah looga ballan qaaday balse waxay arrintaas darteed iskula dheceen tababare Antonio Conte, kaasoo kooxda Chelsea kusii celiyey bishii Janaayo ee horraantii sannadkaan.

Costa ayaana dhowaan daaha ka qaaday in haddii uu ka tegayo Chelsea uu keliya ku laaban doono Atletico Madrid, balse kooxdiisii hore lama soo wareegi karto illaa bisha Janaayo 2018ka sabbatoo ah waxay haatan ka ganaaxan tahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Costa ee Chelsea wuxuu haatan u muuqdaa mid si rasmi ah loo go’aamiyey sababtoo ah tababaraha Chelsea Conte ayaa gooldhaliyahaan u sheegay inuu kooxda isaga tegi karo xagaagaan isagoo farriin qoraaleed (Text Message), ugu soo diray taleefoonkiisa xilli uu Costa ku guda jiray waajibkiisa xulka qaranka Spain.

Costa oo saxaafadda la hadlay ka dib markii xulka Spain ay barbardhac 2-2 ah la galeen xulka Colombia xalay oo Arbaco aheyd ayaa yiri: “Tababare Antonio Conte wuxuu ii sheegay in aanan kasii mid ahaan doonin Chelsea xilli ciyaareedka soo aadan isagoo farriin iigu soo diray taleefoonkeyga, sidaas ayeyna wax u jiraan.

“Xiriirka igala dhexeeyey tababaraha wuxuu ahaa mid aad u xun xilli ciyaareedkaan oo dhan, wuxuuna ii caddeeyey in uusan dooneyn inaan kooxda kasii mid ahaado. Waqti xaadirkaanse waxaan ahay ciyaaryahan Chelsea ah sababtoo ah qandaraas ayaan kooxdaan kula jiraa, laakiin tababaruhu wuxuu ii sheegay inaan raadsado koox cusub oo aan ku biiro”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here