“Mustaqbalka James waxaa go’aaminaya Zidane”-Perez

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez, ayaa ka dhawaajiyay in mustaqbalka James Rodriguez uu u dhaafay inuu go’aan ka gaaro macalinka Kooxda Zidane.

Zidane ayaa James ka reebay Habeen hore shaxda kooxda wajahaysa Juventus, xitaa laguma soo darin keydka isaga iyo Vasquez, waxeeyna taas sii hurisay wararka la xiriirinaya xidigaan inuu isaga tagayo Bernabeu.

Wargeysyada Marca iyo AS oo ah kuwa ugu afka dheer Spain ayaa si iskumid ah u daabacay in xidigan reer Colombia uu xagaagan isaga tagayo Bernabeu.

James oo hada 25 jir ah ayaa xagaagaan oo dhan deris la ahaa kursiga keydka waxaana yaraa kulmada uu Zidane kusoo bilaabay.

Manchester United ayaa si aad ah loola xiriirinayaa xidigan, sidoo kale Inter Milan,PSG iyo Chelsea ayaa doonaya.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa sheegay in go’aanka kama dambeysta ah ee james uu leeyahay Zidane.

“Hadii aniga leeyla tashanayo qofna kama tagayo naadigan, balse go’aanka mustaqbalka JAMES waxaa leh Zidane” ayuu yiri Florentino Perez.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here