Musiibo soo wajahday Barcelona

Naadiga qarniga ee Barcelona, ayaa hada waxaa soo wajahay musiibooyin is xig xiga, kadib markii ay dhaawacyo kasoo gaareen xidigaheeda ay ku tashato, sida Pedro iyo Xavi Hernandez, kuwaasoo kusoo dhaawacmay kulamadii ay u ciyaarayeen Xulkooda Spain.

Ciyaaryahanka qadka dhexe u maamula Barcelona, ee Xavi, ayaa isaga kasheeganaya dhaawac kasoo gaaray muruqa lugta, waxaana uu u baahanyahay in la nasiyo mudo 10 maalmood ah.

Sidaas darted, Xavi kama qayb gali doono kulanka horyaalka ugus oo horeeya ee Celta Vigo, sidoo kale waxa shaki lagalinayaa inuu ciyaaro kulanka Championka ee PSG, taasna waxay noqon doontaa in Barcelona ay weyn doonto laba kamid ah xidagaheeda lafdhabaka u ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here