Mushurax Xasan Sheekh oo la kulmay dhalinyarada Muqdisho

Iyadoo maalmahii ugu dambeeyey Xisbiga Nadadda iyo Horumarka iyoMurashaxa Xisbiga Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ay wadeenwadatashiyo ku aadan bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxuu haddana murashaxa la kulmay Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Kulanka Wadatashiga ah ayaa dhacay xarunta Xisbiga, waxaana ugu horeeyn ka hadlay xoghayaha Dhalinyaradda iyoCiyaaraha Xisbiga Nabadda iyo HorumarkaProf. Cali Yaasiin Sheekh Cali oo mahad celin ka dib dhalinyaradda ka dalbadayin ay fekerkoodaiyo talooyinkooda u soo gudbiyaan Murashax Xisbiga oo madashaku sugnaa, waxaana barbar socday talooyinka su’aalo si toos ah dhalinyaraddamurashax Xasan Sheekh ay weydiinayeen.

Dhalinyarada ayaa ugu baaqay murashaxa haddii uu guuleeysto in uu ahmiyada ugu weyn siiyodhalinyarada Soomaaliyeed iyagoona Xasan Sheekh ku tilmaamay in uu yahay ninkakeliyah ee mudan in uu dalkaan hogaamiyoislamarkaan ku dhow kana warhaya shacabka Soomaaliyeed.

Muna Saciid Axmed oo ka mid ahayd dhalinyaraddii kulanka ka qeyb gashay ayaasheegay in dhibaato xoog leh dhalinyarada ay ku qabaan ammaanka iyadoonamurashaxa ka dalbatay haddii uu noqdo Madaxweynaha dalka in uu xooga saaroammaanka.

“Ammnigaaad buu u xun yahay tan iyo markaan dhashay, waxaa dhacdo in mararka qaar aanjaamacadihii aadi weyno , marka waxaanka doonayaa Murashaxa haddii uu guuleeysto in Dowladdiisa ay amniiga wax ka qabato” ayey tiri Muna.

Kadib markii uu murashaxa dhageeystaytalooyinka iyo aragtida dhalinyaradda ayaa waxa uu u balan qaaday in uutexgelin doono islamarkaana haddii uuqabto xilka Madaxtinimada Soomaaliya uuxooga saari doono sidi loo hergelinlahaa talooyinka loo soo jeediyey isagoona dhalinyaradda ku tilmaamay in ayyihiin dadka ugu horeeya ee ay Dowladdnimadda taamaya.

“Haddii aan kuguuleeysto oo aan hogaanka qabto waxaa siyaasadda dowladda sal u noqon doonawaxa aad ka hadasheen iyo waxyaalahii ayka hadleen bulshadii kale ee aan la tashanay sida haweenka, Odayaasha iyo culumaa;udiinka” ayuu yiri Murashax XasanSheekh.

Murashaxa iyoMasuuliyiinta kale ee Xisbiga Nabaddaiyo Horumarka ee PDP ee murashaxa ka soodhigay Xasan Sheekh ayaa waxa aymaalmahii ugu dambeeyey kulamo wada tashi ah la lahaayeen bulshada qeyb baheedakala duwan.


 


 


 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here